berberatoday.com
“Doorashada Madaxtooyada; Ma Jirto Sabab Macquul Ah Oo Ay Uga Baaqan Karto Wakhtigeeda, Marka Daacad Laga Yahay”Cali Guray.
October 27, 2021 - Written by admin

XAGEE LOO SOCDAA?

Horta anigu sadexda xisbi midna kama tirsani waayo waxan Gebi ahaanba saluugsanahay siyaasadda xisbiyada siyaasadda Ee Somaliland iyo guud ahaan nidaamka xisbiyada badan oo Aan qabo in loo baahan yahay dib in loogu noqdo. Sababtuna waa kortaan la’aanta oo anigu aan u nisbayn karo in marka horeba fikir ururnimo (organizational concep) oo lagu dhisay iyo aragti ama mabaadii sal u ah xisbiga oo uu kaga duwan yahay xisbiyada kale aanay jirin. Markaa xisbigu sida ay maanta yihiin xisbiyadeenu waa uun weel-samaysi qofka isagu doonaya in uu u tartamo xilalka doorashada ku yimaada ee aan magacaabista ahayn uu xisbi isaga soo sharaxo. Markaa xisbiyada xataa xilalka la isku cidhiidhyo sida hogaanka sare, Golaha Dhexe, iyo Guddida Fulinta ayaan macno badan lahayn oo la odhan karaa waxa ka muhiimsan musharixiinta.

 

Sidaa marka ay tahay Gudoomiyaha Xisbiga waxaba ka muhiimsan Musharaxa Madaxwaynaha oo hadii uu guulaysto isagu noqonaya Madaxwaynaha JSl oo ah masuulka koobaad ee qaranka, inta ugu dhawina waa suurogal in kuwii isaga soo dhisay iyo xubnihii firfircoonaa ee xisbigiisa ay noqdaan. Dabcan waxa laga yaabaa in dadku ugu kala qiimsnaadaan kaalmihii ay ka soo kala qaateen ololihiisii doorashada ee ay ugu kala waxtar badnaayeen

Si kale hadii aynu u dhigno lafteeda kuwa tartama ee dadkuna ay kala doortaan waa qofaf ee xisbiyo  iyo reero maaha. Gaar ahaan Madaxwaynaha la doortaa reer ha ka dhasho balse marka uu kursiga ku fadhiisto waa Madaxwayne JSl

Hadana xaga dhaqanka kaftanka iyo haasaawaha way dhacdaa laba nin oo kuuli wada ah in mid kii kale yidhaa “ dee idinkaa Madaxwayne ahe…” kiina madaxa ayuu midhkaa u ruxaa mana odhanayo “ Waar hadaan Madaxwayne ahay maxaa kuuliga inaga wada dhigay?

Maanta xagga doorashooyinka Somaliland xaalkeedu ma xuma. Marka laga reebo Xildhibaanada Golaha Guurtida, dhamaan xilalka kale ee doorashada ku yimaada inta haysaa waxay ku joogaan muddo xileedyadoodii sharciga ahaa. Hadii May 2022 guurti cusb la soo doorto/xulo way dhamaatay. Keliya waxa loo baahan yahay in doorasho kastaa ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

Sidaa daraadeed Madaxwayne Muuse doorashada guurtida ka dib hadii ay ka go’an tahay in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigeeda 13 November 2022, ama ha ku guulaysto ama halagaga guulaysto eh waxay u noqonaysaa rikoodh cusub oo u noqda legacy ama wax lagu xasuusnaan doono oo aanu jirin Madaxwayne uga horeeyay kuwa ka dambayn u noqon doonta laftooda sunne wanaagsan oo ay kaga daydaan.

Madaxwayne Muuse wuxu noqonayaa

-Madaxwaynihii ugu horeeyay ee markii uu dhamaystay muddo xileedkiisii dastuuriga ahaa aan maalin ku darsan ee doorashadii qabtay. Hadii weliba uu ku guulaysto wuxu noqonayaa Madaxwaynihii ugu horeeyay ee laba term (xili) oo isku xiga ku guulaystay kursiga Madaxwaynaha. Hadii laga guulaysto lafteeda maaha markii ugu horaysay ee Madaxwayne xilka haya uu musharax mucaarid ahi ka guulaysto Somaliland; Dahir Rayaale oo Madaxwayne ahba Axmed Silanyo oo mucaarid ah ayaa ka guulaystay waanu aqbalay si qurux badan ayaanu xilkii Ugu wareejiyay. Wax aan sharaf iyo amaan ahaynna kamuu Qaadin.

-Wuxu noqon Madaxwaynihii ugu horeeyay ee guurtidii lagu doortay shir-beekeedka xal u helay ee meesha ka saaray

-Wuxu noqon Madaxwaynihii ugu horeeyay ee afar doorasho Oo laba isku sidkan tahay ku qabta muddo shan sanadood ah gudahood.

Taasi waa marka uu doonayo in uu ka tago wax looga aayo laguna xasuusnaan doono waayo badan ka dib marka uu baneeyo kursiga madaxwaynaha. Hadaba waxa werwerkeeda leh oo taasi barbar taal hadii labada doorasho ee guurtida iyo madaxtooyadu ay ku qabsoomi waayaan xiliyadooda sharciga ah. Bal guurtida ilaa hadda xeer lagu doortaba lama hayo eh doorashada Madaxtooyada ma jirto sabab macquul ah oo ay uga baaqan karto wakhtigeeda marka daacad laga yahay ee dhinaca danta qaranka wax laga eegayo. Madaxwayne Biixi waxa laga hayaa in isaga ay ka go’an tahay doorashaduna aanay marna dib uga dhici doonin xiligeeda. Weliba sida la sheegay kharashkii doorashada dhinaca xukuumadda miisaaniyadda ayaaba lagu daray. Marka ay sidaasi jirto ma muuqato wax looga dayrin karo xaaladda mustaqbalka dhaw ee dalka waayo waxa laga badbaadi doonaa khilaaf siyaasadeed oo ka bilaabmi kara doorashada oo si ula kac ah oo aan cudurdaar run ah lahayn ku baaqata ama loo baajiyo si muddo kordhin qasab ah oo sharci darro ah loogu meel mariyo. Muddo kordhintaasi oo dabcan cimri dherarsi uun ah.

Hadalhaynta muddo kordhintu way jirtaa balse waa kutidhi kuteen iyo malo awaalo uun ee wax rasmi ah maaha. Waxa la leeyahay fule xantii ma mooga eh Muuse wuu og yahay xaaladdisa in taageeradii doorashadii hore uu ka helay codadka oo 55% ahayd uu lumiyay xisbigiisiina uu isagu gacantiisq ku burburiyay taasina ay markaa keeni karto in uu garwaaqsado in Musharaxa Xisbiga Waddani uu kala wareegay, waa hadii ay Sidaa u dhacdo eh, inta badan siyaasiyiintii iyo kaadatiintii  Xisbigiisa iyo weliba taageerayaashoodii. Hadii uu sidaa ku Qanco Muuse oo markiisa horeba aan jeclayn in lala tartamo guul darradana neceb waxa suurtogal ah in  uu isbedeli doono kana hadhi doono isagu tartanka oo markaa uu musharax kale soo caleemo saari doono. Hadii taasi aanay muddo kordhin wadanin waa caadi xaqna wuu u leeyahay. Balse hadii muddo kordhin cimri dherarsi uun ahi ku jirto waa tii Somaliland ay hore u soo eeday ee aabaheed dishay qayrkeedna ka reebtay. Waana halka ay sartu ka qudhmi doonto hadii ay timaado ee ka bilaabmi karo khilaaf siyaasadeed oo meel uu ku dambayn doono aan runtii la garan karin.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GUREY”

HARGEYSA SOMALILAND

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews