“Maanta Tigidhka Oslo Ilaa Hargeysa Waa 1300$ Laba Todobaad Ka Horna Waxaad Kutagaysay 750$”Waxa Qoray Qurabajoog Said Aamin
October 27, 2021 - Written by admin
Diyaarada Fly Dubai dad badan oo qurbaha jooga ayay Dan u ahayd . Waxa Dhibaato ah in maalin walba waxa ummada u Dan ah Inta dhinac layska dhigo . La yidhaahdo diyaarada yaa ka wakiil ah iyo yaa ka masuul ah .
Maanta tigidhka Oslo ilaa Hargeisa waa $1300. Oo Ethiopian airline ta ah 2 toddobaad ka hor waxaad ku tegaysay 750$.
Labo Sanno oo corona jiray dadku May bixi kareen immika waxa laysu fasaxay aduunkii , qof waliba meeshii uu xiisaynayay ayuu u dhaafayo oo dad badan oo eheladoodii arrag iyo waalidkoodii baa u baahan inay soo booqdaan .
Urur siyaasadeedka HIIGSi , waxa uu ka soo horjeeda suuqyada loo xidhayo dad gaar ah .Waxaanu ku baaqeynaa in nidaamka suuqa xorta ah la ilaaliyo .
Waxa Qoray Qurabajoog Said Aamin