berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Saraakiil Ka Socda Haayada Qaxootiga Aduunka Ee UNHCR Iyo Ujeedada Socdaalkooda
October 27, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiin sarsare oo ka socda hay’adda qaxoontiga adduunka ee loo soo gaabiyo (UNHCR) oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika u qaabilsan Amb. Maxamed Cabdi Affey oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wakiilka hay’adda u qaabilsan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Magatte Guisse.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo arrimo la xidhiidha qaxoontiga ku sugan Somaliland oo ay xukuumaddu u cadaysay weftiga inay hayaan dad ku dhaw 14,000-kun oo qaxoonti ah kana yimi dalalka gobolka iyo dalal ka baxsan mandaqada geeska.
Qodobada kulankaa lagu lafo-gurayna waxa ka mid ahaa xaalada guud ee qaxoontiga ku sugan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo meelayn lahaa.
Samaynta xeryo qaxoonti oo lagu hayo dadka ay Somaliland u aqoonsan tahay inay yihiin qaxoonti.
Sidoo kale waxa laga wada hadlay doorka ay hay’adda UNHCR ka qaadan karto yagleelida xeryaha qaxoontiga iyo saamaynta ay yeelankaraan xeryaha qaxoontigu marka loo eego mustaqbalka fog iyo habka ugu haboon ee loo diyaarin karo ama loona hayn karo qoxoontigaa, iyadoo lagu dabaqayo aqoon iyo waayo aragnimo.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews