berberatoday.com
Salaadiinta Beesha Subeer Awal Oo Kulan Ay Kaga Arinsanayaan Farogalin Lagu Hayo Saldanada Beesha Ku Yeeshay Magaalada Hargaysa!
October 27, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib Markii Dhawaan Degmada Tog-Wajaale lagu Soo dhaweeyay Ugaaska Beesha Ciise, oo Xukuumadu ugu Yeedhay Caasimada Hargeysa, iyo Qado Sooryo loogu Sameeyay, Huteelka Garand Haddi taas, oo Gef iyo Meel ka dhac loogu Gaystay Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo uu Magaciisa Sheegtay, inaadeerkii Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan(Maxamed Case), oo hore u Sheegtay Suldaanka Guud ee Beesha habar Awal, Waxaanay Kulankan Salaadiintu ka Raali Galiyeen Meel ka Dhacaasi, Suldaanka Guud Qadafka ku ahayd, iyadoo ay Salaadiinta intooda badani Sheegeen, in aanay ka Warhayn Casuumada loo Sameeyay Ugaaska  Beesha Ciise iyo ujeedadii Hargeysa loogu Yeedhay balse, Si lama Filaan ah iyaga Loogu soo Casuumay islamarkaana, loo hagoogay Arintan Meel ka dhaca ku aheyd Suldaanka Guud.

 

Waxaa kulankan Goob joog ka ahaa inta ugu badan ee Salaadiinta, Beesha Subeer Awal, iyadoo ay Ka maqnaayeen Mid iyo laba Waxaa kale, oo Goobjoog ka ahaa Mujaahid Ibaraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne), Waxaana lagu Go aansadey Kulankaasi in Talaabo laga qaado, Cid kasta oo Ka dambaysay Qadafkaa Kaga Galey Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal, Sidoo kalena Dhacdada Noocan ah la horgeyn Doono Kulan ka Balaadhan Kan Maanta oo Meel lagu Saarayo, Khaladaadka laga Galey Suldaanka Guud oo Soo noqnoqotey ilaa iyo Markii ay is khilaafeen Intii aanu Murashaxa jagada Madaxweyne Noqon Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Wakhtigaas oo ku Beegnayd Markii Lagu Cumaamaday Hutelka Green Palaza Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo Dhawaan Mar kale Sheegtay Suldaanka Guud Habar Awal.

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews