“Muuse Biixi Taageerayaashii Madaxwaynaha Ka Dhigay (55%) Isaga Ayaa kala Naqaystay, Oo Intii Dookhiisa Cajabisay Kala Dhex Baxay Intii..”Cali Guray.
October 29, 2021 - Written by admin
MEEL AAN LAGAA RABIN…
Madaxwayne Muuse dadkiisa wuu yaqaan, isaga ayaana naqaysan yaqaan ee cid kale inay u naqayso ma ogola? Taageerayaashii Madaxwaynaha ka dhigay (55%) isaga ayaa kala naqaystay oo intii dookhiisa cajabisay kala dhex baxay intii kale-na yidhi idiinma baahni ee dhulka u kala kaca oo meel ka Qabsada. Taas ayay taladiisi noqotay. Afar sanadood ayuu Habdhaqankiisu sidaa ahaa. Hadda oo Kulmiye gudo-haawaday Ayaanu dan iyo muraad cidna ka lahayn. Wax uu sii kala didiyo Ha joogto eh cid uu isu soo ururiyo ha ka sugan.
