Dowladda Faransiiska Oo Qorsheynaysa Inay Xidho Toddoba Masaajid Oo Dalkeeda Kuyaala
October 30, 2021 - Written by admin
Paris(Berberatoday.com)-Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay xidheyso toddoba Masaajid iyo ururo kale oo ay leeyihiin Muslimiinta dalkaas ku nool dabayaaqada sannadkan 2021-ka.
Paris ayaa la sheegay inay ku sabababeysay go’aankeeda xagjirnimo ka jirta goobahaasi ay xidheyso inkasta oo ururada Muslimiinta Faransiisku ku macneeyeen inay tani qeyb ka tahay ololaha Islaam nacaybka ee dowladda madaxweyne Macron.
Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmian, ayaa sheegay in Masaajid ku yaala magaalada Allones ee Waqooyiga Galbeed ee Faransiiska lix biloood la xidhay iyada oo lagu saleeyey u nuglaanta xagjirnimada, waxa kale oo ay dowladu la wareegtay kootadii bankiga ee Masaajidka.
Berberatoday.com