Madaxweyne Muuse Biixi Bilaabay Magacaabista Xilalkii Kaabeynka Doorashada Iyo Wasaarado Laba Loo Qeybiyay
November 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Ayaa Laba Uqeybiyay Wasaaradii Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ay Wasiir Ka Aheyd Marwo Shugri Baandare,
Waxaanu Wasiirka Reer Miyiga Umagacaabay Axmed Aadan Jaamac(Guray) Oo Kasoo Jeeda Degmada Dhahar Ee Gobolka Sanaag.
Waa Dabciga Xukumadaha Marka Wakhtigu Soo Ururo In Magacaabista Xilalka Kaabeynku Bataan Oo Wasaaradihii Hore Isu Saarnaa Lakala Rogo.
Wasiirka La Magacaabay Ayaa Kamid Ahaa Musharixiintii aan Guulaysan Ee Xisbiga Kulmiye Doorashadii Isa Saarnayd Uga Sharaxanaa Gobolka Sanaag.
Axmed Aadan Jaamac(Guray)Ayaa Kamid Ahaa Ciidamada Booliska Somaliland Darajadiisuna Waxay Aheyd Gaashaanle Dhexe Sida Aan Kasoo Xigtay Mohamed Farah Coomaade
Berberatoday.com