Ciidamadda Booliiska Somaliland Oo Soo Bandhigay Tirrada Danbiyada Ka Dhacay Sannadkan 2021-ka
November 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Tirrada guud ee danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021 waa 19,230 danbi, waxaa been noqday 4,400, waxa laga heshiiyay 6,085, waxa baadhis ku jira 1,077, waxa maxkamad la horgeeyay 7,668, waxa la xukumay 6,034, waxa wali gar suge ah 1,634 danbi.
“Tirrada guud ee danbiyada dhacay sannadkan isu gayntoodu waa 19,230, inta beenowday waa 4,400, inta heshiis laga gaadhay waa 6,085, inta baadhis wali ku jirta 1,077, inta maxkamad la horgeeyay ee gartooda la qaaday 7,668, inta xukun ku dhacay waa 6,034, inta garsugaha ahi waa 1,634” sidaa waxa yidhi sarkaal booliiska u hadlay.