Halkee Ayuu Ku Danbeeyey Balanqaadkii Madaxweynaha Hore Usheegay In Lasoo Deynayo Muwaadin Reer Somaliland ah Oo Sannado Badan ku Xidhan Dalka Djibouti.
November 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland Mudane muuse biixi cabdi ayaa bilo ka hor safar uu ku tagay dalka djibouti markii uu kasoo laabtay warbixin uu ka bixiyey safarka uu ku tagay dalka djibouti iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen, waxa uga soo qabsoomay, waxaa kamid ahaa hadalada maalintaasi uu ku sheegay khubadiisa in dawlada djibouti ay ka wada hadleen Muwaadinkan oo reer somaliland ah kuna xidhnaa muddo ilaa 8 sano ka badan dalka jabuuti, islamarkaana qoyskiisu hore warbaahinta uga sheegeen in wiilkooda loo haysto arrimo aanu ku lug lahayn, waxaa muwaadin oo kamid ahaa dhalinyarta somaliland lagu qabtay caasimada hargeisa ee jsl, goobtii uu ka shaqeynayey, waxaana Wakhtigii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo oo uu wasiirka Arrimaha gudaha ahaa wasiir Cali Maxamed warancade ay ahayd wakhtiga muwaadin Cabdillahi Sheekh Cabdiraxmaan, loo gacan galiyey dawlada jabuuti, hooyada dhashay wiilkan oo dhawr warbaahinta kasoo muuqatay ayaa si naxdin leh uga hadashay una codsatay in loosoo daayo wiilkeeda,iyadoo sanadadaa uu xidhaa wiilkan ay dhashay naxdinta iyo wararka oohinta joogta ah ay indho beeshay.