Golaha Baarlamaanka Ee Itoobiya Oo Meel Mariyay Bayaanka Xaaladda
November 5, 2021 - Written by admin
Addis-Ababa(Berberatoday.com)-Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa waxaa lagu ansixiyay bayaanka xaaladda deg degga ah ee dalka lagu soo rogayo, taas oo dhawaan ay ku dhawaaqeen golaha wasiirada ee Itoobiya
Ansixinta xaaladda deg degga ah ee lagu soo rogay dalka Itoobiya ayaa ka dhigan in si buuxda u hirgalayo fulinta dhammaan waxyaabaha la xiriira bayaanka xaaladda deg degga ah, kaas oo socondoona muddo 6 bilood ah.