berberatoday.com
Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shir Isugu Yimi Iyo Nuxurka Qodobada Lagaga Hadlay
November 6, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga ku yeeshay shirkoodii caadiga ahaa, iyaga oo halkaas ku lafo-guray hawlaha shaqo ee horyaalla guddiga iyo sidii loo dardargelin lahaaba.
Shirkan oo kamid ah shirarka caadiga ah ee ay guddidani isugu timaaddo, islamarkaana ay goob-joog ka ahaayeen xubnaha guddida fulintu, ayaa si qoto dheer loogaga dooday ajendeyaasha guud ee guddida horyaalla iyo hawlmaalmeedka caadiga ah ee guddidu u igman tahay.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo markii shirku soo gebogeboobay warbaahinta la hadlay, ayaa sharraxay waxyaabaha ay guddi ahaan kaga hadleen shirkoodii maanta, waxana uu yidhi,“Saaka waxa xarunta xisbiga ka qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee guddiga fulinta ee xisbiga, marka ugu horraysana shirkani ma aha shir qayru-caadi ahe waa shirkii caadiga ahaa, waxana lagaga hadlayey hawl-maamlkeedkii xisbiga iyo sidii hawlahaas, abaabulkooda, dardargelintooda iyo gacan-ku-hayntooda loo fulin lahaa.”
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaas ku daray,“Waxanu ka hadlaynay arrimaha siyaasadda iyo arrimaha hawlmaal-meedka xisbiga, arrintaasina meel aad iyo aad u fiican bay maraysaa, shirarkaasina way sii socon doonaan.”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews