berberatoday.com
Manchester United Oo Marlabaad Oo Xidhiidh Ah Lagu Xasuuqay Garoonkeedda Old Traford
November 7, 2021 - Written by admin

Manchester(Berberatoday.com)-Manchester City ayaa ku tumatay deriskeeda Manchester United oo ay ku garaacday 2-0, ciyaar ka dhacday Old Trafford oo tababare Ole Gunnar Solskjaer kusii xumaysay xaaladda.

Laba gool oo qaybtii hore ay heshay Manchester City ayaa ugu filnaaday inay saddex dhibcood kasoo qaadato Old Traford oo ay si xarrago leh ugu dhex damaashaadaysay.

Eric Baily ayaa daqiiqaddii 7aad iska dhaliyey goolka koowaad ee Manchester City hoggaanka u dhiibay, midka labaadna waxa ku daray Bernardo Silva ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Man City ayaa u qalmaysay inay goolal intan ka  badan dhaliso, waxaase ka diiday goolhaye David de Gea oo haddii aanu joogi lahayn ay natiijadu sidan kaga sii xumaan lahayd Red Devils.

Natiijadan waxay Manchester City siisay inay soo galaan kaalinta labaad ee horyaalka Premier  League, waxaanay hal dhibic ka dambeeyaan Chelsea oo mar dhow la ciyaaraysa Burnley, halka Manchester United ay u dhacday kaalinta shanaad ee horyaalka oo ay haysato 17 dhibcood.

Shaxdii labada kooxood & Faahfaahinta ciyaarta

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Ruben Dias, Joao Cancelo; Ilkay Gundogan, Rodri, Bernardo Silva; Gabriel Jesus, Kevin De Bruyne, Phil Foden.

Kaydka: Nathan Ake, Raheem Sterling, Jack Grealish, Oleksandr Zinchenko, Zack Steffen, Fernandinho, Riyad Mahrez, Scott Carson, Cole Palmer.

MANCHESTER UNITED (3-5-2): David de Gea; Victor Lindelof, Eric Bailly, Harry Maguire; Aaron Wan-Bissaka, Bruno Fernandes, Scott McTominay, Fred, Luke Shaw; Cristiano Ronaldo, Mason Greenwood.

Kaydka: Anthony Martial, Marcus Rashford, Jesse Lingard, Diogo Dalot, Jadon Sancho, Dean Henderson, Alex Telles, Nemanja Matic, Donny van de Beek.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa saddex isbeddel ku sameeyey safkii uu usbuucii hore kula ciyaaray Atalanta, waxaana kamaqnaaday Varane oo dhaawacmay, kuna beddelay Lindelof, Mason Greenwood oo weerarka ka beddelay Rashford iyo Paul Pogba oo ganaax ku maqnaaday, kaas oo uu booskiisa yimid Fred.

Pep Guardiola ayaa isaguna saddex ciyaartoy ka beddelay safkii soo garaacay Club Brugge usbuucii hore, waxaana kaydka uu u diray Grealish iyo Riyad Mahrez, halka uu ganaax ku maqan yahay Laporte.

Manchester City ayaa bilowgiiba gacanta ku dhigtay ciyaarta, si fiicanna uga shaqaysay khadka dhexe, waxaanay daqiiqaddii saddexaad sameeyeen weerarkoodii ugu horreeyey, markaas oo kubbad ay Kevin de Bruyne iyo Bernardo kasoo wada shaqeeyeen ay dul mariyeen goolka Man United.

Harry Maguire ayaa kasoo jawaabay weerarkaas oo kubbad halis ahayd oo uu Luke Shaw ka keenay dhinaca bidix ku qabtay madax, taas oo dhinaca midig uu ka mariyey birta.

Man United 0-1 City!!! Eric  Bailly ayaa iska dhaliyey kubbad karoos ahayd oo uu Joao Cancelo kasoo tuuray dhinaca bidix. Difaaca reer Ivory Coasta ayaa isku tuuray kubadda, hase yeeshee waxa uu ku leexiyey goolkiisa iyadoo uu daba-mariyey David de Gea.

Goolkan ayaa waxa ka horreysay weerar halis ahaa oo ay Man City ku qaadday goolka Manchester United, iyadoo kubad uu Walker ka keenay dhinaca midig laga gujiyey Gundogan.

Manchester City ayaa niyad wanaagsan iyo firfircooni ka qaadday goolka ay la timid, waxaanay si fiican gacanta ugu sii dhigtay ciyaarta iyadoo isku-dhiib iyo weerar aan joogsi lahayn ku wadday.

HALIS!!! Man City ayaa u dhowaatay inay goolkeeda labaad hesho iyadoo kubbad uu Phil Foden dhinaca bidix kala soo galay, una dhiibay Kevin de Bruyne oo xerada ganaaxa ku jira, waxaase kubaddaas isku dhigay Shaw oo badbaadiyey. Gabriel Jesus ayaa haddana qabsaday oo ku celiyey, waxaase markanna u istaagay David de Gea oo badbaado cajiib ah sameeyey.

Laba fursadood oo halis ah oo kale ayay samaysay Manchester City, kuwaas oo ay difaaca iyo goolhayaha United isku kaashadeen sidii ay u joojin lahaayeen.

Cristiano Ronaldo ayaa kubbad awood badan faraha ku caseeyey goolhaye Ederson oo isaguna soo tufay, waxyar kaddibna waxa kubbad uu la galay xerada ganaaxa lagu qabtay offside.

Manchester City ayaa hoggaanka sii dheeraysatay dhamaadka qabtay hore, waxaana gool labaad u dhaliyey Bernardo Silva oo lugta bidix ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Joao Cancelo. Luke Shaw ayaa fasaxay Bernardo Silva isaga oo u malayanayay in kubaddu ay baxday.

 

Qaybta labaad ayay Manchester United lasoo noqotay kubbad ka wanaagsan sidii qaybta hore, iyadoo uu Ole Gunnar Solskjaer sameeyey beddel oo uu keenay Jadon Sancho oo uu ku beddelay Eric Baily waqtigii garoonka lagu soo noqonayay.

Inkasta oo halistii badnayd ay ka yaraatay, haddana Manchester United waxa ku adkaatay inay gaadhaan goolka Manchester City.

Phil Foden ayaa barta ka jaray kubbad uu dhaafiyey goolhaye David De Gea, taas oo tababare Pep Guardiola uu indhaha ka qabsaday markii uu xaqiiqsaday in aanay goolka gelin.

Manchester City ayaa ku doodday in rikoodhe ay xaq u leedahay kaddib markii Kyle Walker lagu riday xerada ganaaxa, hase yeeshee garsooraha ayaa tilmaamay koorne iyadoo aanay VAR waxba ka beddelin go’aankiisa oo aanay soo dhex-gelin.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Manchester City oo kaalinta labaad ee horyaalka soo cidhiidhsatay, halka Manchester United uu kusoo laabtay culayskii iyo cadaadiskii saarnaa tababare Ole Gunnar Solskjaer.

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews