berberatoday.com
Warbixin Lagu Soo Bandhigay Sababta Keenta Hadal-haynta Ugu Badan Markuu Ninku Guursaddo
November 9, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sannadihii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay kiisaska hadal haynta badan dhaliyay ee la xidhiidha masayrka ama hinaasaha yimaada marka uu ninka guursado xaas labaad.
In kasta oo ay guursashada xaasaska badan ay tahay mid soo jireen ah oo ay xitaa diinta Islaamka banaysay haddii uu qofka ka soo bixi karo shuruudaha ay diinta fartay ayaa waxaa arrintaan dhawaanahaan sara u qaaday hadal haynteeda baraha ay bulshada ku wada xidhiidho.
Marka laga soo tago dadka caadiga ah waxay saamaynta ugu badan soo gaartaa dadka caanka sida fanaaniinta iyo jilaayasha oo sawiradooda lagu baahiyo baraha bulshada taasi oo keento in dad badan oo isticmaala baraha bulshada ay falanqeeyaan waxaana suura gal ah in ay taasi ka dhalato burbur qoys.
Naadiya Xassan oo ah khabiir dhanka arrimaha bulshada, muddo 20 sannadood ka badanna ku soo dhex jirtay howlaha xallinta khilaafaadka qoysaska ayaa BBC-da uga warrantay guurka xaasaska badan iyo dhibaatooyinka uu horseedo.
Naadiya Xassan ayaa sheegtay in marka ay ragga guursadaan xaas labaad oo ay xaaskooda koowaad maqasho in seygeeda uu la guursaday xaas kale ay masayrto taasi oo horseedi karto in ay qaado tallaabooyin burburin karo gurigeeda.
” Marka ninka uu xaas kale guursado dhibaato ba’an ayaa soo gaarta xaas koowaad gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha, marka uu ninka guriga ka tago waxay dhibaato badan soo gaardhaa carruurta oo halkaas ku dayacmo. Marka laga soo tago dhibaatada ay carruurta marayaan hooyadana ayaa iyada waxa la soo darsa nolol farxad la’aan ah.”
“Hinaasaha ama masayr hooyadda soo wajaho ayaa badnaa saamayn weyn ku yeesho carruurta dhanka kalana waxa uu sababaa xanuunaha dhimirka ama maskaxda,” Ayey tidhi Naadiya Xassan.
“Waxyaabaha aan gaar ahaan qurbaha ku aragnay diin iyo dhaqan toona ma lahan, waxaan aaminsanahay dayaca, rafaadka iyo burburka qoys ee halkaan ka socda haddii loo sheegi lahaa oday baadiyaha jooga wuxuu dhihi lahaa nin naag labaad guursada ma arki karo ayuu dhihi lahaa marka waxaan qaba inay dadka dib isugu noqdaan dumarkana ay ka fiirsadaan raga ay guursanayaan,wax yaabaha aan baraha bulshada gaar ahaan ku aragnay ma ahan wax loo adkaysan karo.” Ayey Naadiya raacisay.
Dhanka kale Sheikh Yussuf Axmed Maxamed oo muddo dheer Imaam ka ahaa dalka Sweden loona tobabaray nidaamka arrimaha qoyska ayay BBC-da la xiriirtay.
Sheikh Yussuf oo sidoo kale ah masuul dowladda hoose u qaabilsan guurinta Muslimiinta, arrimahaanna ku soo dhex-jiray muddo shan iyo labaatan sano ka badan ayaan weydiinay sida ay diinta fareyso marka laga hadlayo guurka xaasaska badan.
“Diinta Islaamka raga waxay u baneysay ilaa afar xaas haddii uu awoodi karaayo inuu xaasaskaasi uu xuquuqdooda siiyo, Quraanka wuxuu leeyahay qofka haduusan cadaalad samayn karaynin ama waajibaadkii uu xaqa saaray uu samayn karin waa inuu ku kaaftoomaa hal haween ah maxaa yeelay? dhibka lama ogola”, Ayuu hadalkiisa ku billaabay Sheikh.
Sheikha oo ka hadlaya saamaynta ka dhalata guurka xaasaska badan iyo ka facelinta xaas koowaad marka lala guursada ayaa yidhi” Waxaan hadda gacanta ku haya soddon kiis badan oo dhibaatadooda aan la xallin karin, kiisaskaas ayaana u badan rag hal xaas qaba oo ay dhibaato la soo gudboonaatay marka kaliye dhibaatada qoysaska ma keenaan guurarka badan ee waxa laga yaaba qof hal xaas ama labba ama saddex qabo ay dhamaantood dhibaatooyinka qoyska wada wajahaan.”
Naadiya ayaa sheegtay in dumarka badanadaa ay shaqadeeda ku qaabisho ay tabanayaan dhibaatooyin dhanka qoyska ah oo la xidhiidha dhanka masayrka ka dib mara gabadha uu seygeeda haweenay kale la guursado.
Iyada oo ka hadlaysa qaar ka mid ah arrimaha ay sida joogtada ah ula kulanto ayey tidhi: “Gabadh waxaa jirtay uu ninkeeda ku soo guursaday Afrika iyada oo joogta Sweden ma aysan ogayn ka dib waxay go’aansatay inay ka tagto balse waxa ay ii sheegtay markii ay ninkeeda u sheegtay inay go’aansaday inay ka tagto uu ugu hanjabay inuu muuqaal ka duubay oo uu ku dacweyn doono dowladda si ay ilmaha asaga u siiyaan dacwad badan ka dib waa ay kala tageen waxaana halkaas ku burburay qoyskii.”
Sheikha oo ka hadlaya arrimaha masayrka la xidhiidha ee la sheegay inay badanaaa horseedaan buburka qoyska ayaa yidhi: “Masayrka ama hinaasha wax jira weeyaan kuma sinna oo kaliye xaga guurka, tusaale ahaan ilmaha marka ay yar-yihiin waxyaalaha ay ku ciyaarayaan inay cid kale wadaago wey ka maseyraan.”
“Marka maadama ay haweenayda ninkeeda jeceshahay waxay isku dayaysaa in ninkaas aan lala wadaagin oo ay ka hinaasto inay haweenay kale booska soo gasho balse shareecada Islaamka iyada oo og masaladaan ayey jidaysay in ninka uu haweenay kale guursan karo iyada oo masayrka ka eegtay inuu yahay in la xaliyo.”
“Ragga Soomaalida waa inay gartaan haddii ay haweenayda masayrto inay ku dadaalaan sidii ay ku dajin lahaayeen oo looga baaqsan karo burburka qoyska waxaa jiray dhaqan ah in marka ay dumarka masayraan la siiyo masayr-tir.”
Sheikh Yussuf ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha ugu badan ee isfaham waaga keena ay ka mid tahay in xilliga shukaansiga ama haasaawaha uu ninka gabadha u sheego been badan taasi oo sababta ugu damabayn uu qoyskaas burburo marka ay runta soo baxdo.
“Sida la ogyahay furriinka ragga ayaa loo dhiibay balse waxaa suuragal ah inay si khaldan u isticmaalaan awooddaasi la siiyay taasi oo khilaafsan shareecada Islaamka, 20-kii sanno ee la soo dhaafay waxaa I soo maray kiisas badan oo arrimahaan la xidhiidha oo aad u murugo badan.” Ayuu raaciyay Sheikh Yussuf.
COMMENTS
|