Xoghayaha Ganacsiga Ee Xisbiga Wadani Oo Looga Yeedhay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Iyo Xogaha Laga Helayo Cida Soo Dacwaysay!
November 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Ganacsiga iyo warshadaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee wadani Xamse Cabdiraxmaan Khayre Ayaa Looga yeedhay maxkamada gobolka maroodi jeex in uu Horyimaado Maalinta bari ah sida ku cad qoraal lasoo Gaadhsiiyay xoghayaha Oo kazoo baxay maxkamada gobolka maroodi jeex, wallow aanay ku cadayn eedaha loo haysto iyo cida soo eedaysan toona.
