berberatoday.com
Faa’iidada Toonta Iyo Qajaarka La Isku Daray Iyo Qaabka Dhiigkarka Loogu Dejiyo
November 11, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhiigkarku waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee waqtiyadan dambe ugu caansan adduunyada o odhan, waxa aanu inta badan keenaa xaalado dhimasho badan sababa oo uu ka mid yahay wadne xanuun.

Dhiigkarka oo cadaadis badan saara xididdada dhiigga, taasina ay sababto in uu culays fuulo wadnaha oo dhiigga soo gaadhaya oo xawaare aan kii saxda ahaa ahayn ku socda ama intii saxda ahayd ka yar awgeed bilaabaya in uu isku dayo in uu tuuro dhiig ka awood badan intii uu marka hore tuuri jiray si uu u buuxiyo kaalinta bannaanaatay.

Wadne xanuunka ka sokoow, waxa uu dhiigkarku sababaa cunto xumo, wahsi badan oo jidheed iyo kalastaroolka aan caafimaadka u fiicnayn oo dhiigga ku badata.

Inkasta oo dadka dhiigkarka qaba lagula talinayo in ay joogteeyaan la kulanka dhakhaatiirta iyo cunista dawooyinka ay kula taliyaan, haddana waxaa mar walba garab socda is daweyn dabiici ah oo inta badan la arko in ay wax badan u tarto qofka.

Daweyntaas dabiiciga ah ee dhiigkarka waxaa ka mid ah isticmaalka toon iyo khayaar la isku daray.

Gaar ahaan marka uu yahay dhiigkar aad u sarreeya ama dejintiisu ay adag tahay, sida oo kalana caawinaya in kalastaroolka aan fiicnayni ay jidhka ka wada baxdo si aanay u xidhin xididdada dhiigga, sida inbadan dhacda.

Sida ay ku warrantay shabakadda internet ka ee ‘Daily Health’ oo arrimaha caafimaadka danaysaa, khayaarku waxa uu hodan ku yahay biyo iyo ganka cunto ee caloosha u fiican, waxa kale oo ku jira maaddooyin ay ka mid yihiin Magnesium iyo Potassium kuwaas oo labaduba si aad ah u caawiya isu dheellitirka xaddigaa maadadda Sodium ee unugyada jidhka ku jirta, iyada oo la og-yahay in isu dheellitirnaanta sodium ku uu sababo in ay adkaadaan xididdada dhiiggu maraa.

Labadan khudradood isku darkoodu waxa uu nidaamiyaa wareegga dhiigga, waxa uu caawiyaa in uu yaraado dufanka Kalastaroonka aan fiicnayn ee dhiigga raaca, waxa ay la dagaalamaan xannuunka macaanka noociisa labaad, sida oo kalana waxa ay si weyn uga qayb qaataan dhimista miisaanka qofka.

Marka aynu si gaar ah u qaadanno toontana, waxa ay cilmibaadhisuhu horeba u caddeeyeen in ay ka kooban tahay iskudhiska Allicin oo la ogyahay in uu u shaqeeyo si la mida hsida ay dawooyinka dhiigga dejiyaa u shaqeeyaan.

Waxa kale oo ay khubaradu aaminsan yihiin in toonta oo la cunaa ay ka hortagto in jidhka uu ku samaysmo Hormoonka lagu magacaabo ‘Angiotensin Laba’ oo haddii uu jidhka ku bato sababa in ay cidhiidhi noqdaan xididdada dhiigga qaada, taasina keento in ay balqaan, sidaasna ku sababaan wadne xanuun.

Waxaa intaas dheer in toontu ay jidhka ka yarayso kalastaroolka caafimaadka u xun ee dhiigga raaca.

Diyaarinta toonta iyo khayaarka

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay qaabka ay tahay in qofku u uu diyaariyo toonta iyo khayaarka uu dawo ahaanta u isticmaalayo, taas oo noqday, waxaa la jarjarayaa saddex laagood ama xabbo oo toon cusub ah, iyo xabbad khayaar ah, kaddib waxaa lagu darayaa malqacad weyn oo khalka tufaaxa ah iyo malqacad yar oo biyo ah. Intaas oo la is dhexgeliyey ayaanu qofku cunayaa.

W/D: Kamaal Marjaan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews