Siyaasi Abiib Diiriye Oo Sharaxay Sobobta Siyaasiyiinta Reer Gabiley Uyaalan Waayeen Han Madaxwayne Iyo Caqabada Haysata Ganacsatada Kasoo jeeda Gabiley! “
November 11, 2021 - Written by admin
“Anagu Hadaanu Nahay Jibriil Abokor Maalqabeenayadu Way Hor Socdaan Xoolahooga” Siyaasi Abiib Timacad.
“Maanta Lama Waayin Nin Jibriil Abokor Oo yidhaa Madaxwayne Ayaan Doonayaa Ama Han Yeesha, balse Wuxuu udhiiran laaya,ay Ganacsatadii Taageeri Lahayd Ayaa Xoolahoogii Hor Socda, Ilayn Dadka Ganacsatadooda Ayaa Dhistee”Siyaasi Abiib Diiriye.
Gabiley(Berberatoday.com)-Siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo Kamid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Mucaaridka ee Wadani oo maalintii shalay ka hadlayay munaasibad xisbiga Wadani kusoo dhawayanayay Dhalinyaro Reer gabiley ah oo Xisbiga kusoo biirtay ayaa bulshada reer gabiley ugu baaqay in Aanay Mar danbe fartooda eedin ismarkaana ay codkooda ku Hubsadaan xisbiga wadani.