Nin Lagu Eedeeyey Kufsiga Iyo Dilka Gabadhii Fooqa Laga Soo Tuuray Muqdisho Oo La Qabtay
November 13, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Waddanka Soomaaliya Marwo Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo inuu lug ku lahaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd gabadhii dhallinyarada ahayd ee laga soo tuuray fooqa Muqdusho ku yaalla inta la kufsaday.
Zakiya oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa shaacisay in eedeysanaha oo baxsad ah xalay goor saq-dhexe ah lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Sidoo kale waxa ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 sano jir ah, kuna dhashay magaalada Muqdisho.