Siyaasiyiin Iska Casilay Xilalkii Iyio Xubinimadii Xisbiga Wadani Maalin Uun Ka Hor shirweynaha Xisbiga Waddani
November 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shaaciyay in ay ka baxeen xisbigaasi, maalin uun ka hor shirweynaha xisbigaasi oo lagu soo dooran doono guddoomiyeha iyo ku xigeenadiisa.
Siyaasiyiinta maanta shaaca ka qaaday in ay xisbigaasi ka baxeen ayaa kala ah Xoghayaha Gaashaandhiga Xuseen Aadan Cade, Xoghayihii Warfaafinta Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, Guddoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise, Mujaahid Cabdixakiin Gaaxnuug iyo Cabdilaahi Iid oo ahaa xoghayaha Hargeysa ee xisbigaasi
Najax Cunaaye Ayaa Soo Wariyay