Dawlada Jabuuti Oo Kasoo Horjeesatay Wareerar Dalkeeda Lagaga Qaado Itoobiya. J
November 15, 2021 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dowladda Jabuuti ayaa maanta sheegtay in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu wareysii uu siiyey BBC-da walaac uga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti “ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.”
