Booliska Dalka Kenya Oo Lacag Ku Raadinaysa Sedex Maxbuus Oo Ka Baxsaday Jeelka!
November 16, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Booliska Dalka Kenya ayaa baadigoobaya 3 Maxbuus oo ku eedaysnaa Argagixisnimo oo ka baxsaday xabsiga Kamiti Maximum – kaasi oo lagu tilmaamo xabsiga ugu adag dalkan Kenya.

Hay’adda dambi baadhista Kenya ayaa daabacday sawirrada saddexdan qof, waxayna ku yaboohday lacag dhan 550,000 oo doollarka Mareykanka ah, taasoo abaalmarin ahaan loo siin doono ciddii keenta xog sahlaysa in lasoo qabto.