berberatoday.com
Wasiir Xukuumadda Kulmiye Ka Tirsan Oo Si Ba’an U Dhaliilay Xisbiga Uu Ka Tirsan Yahay Iyo Kuwa Mucaaridka Kuna Baaqay In La Furo Ururrada
November 16, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in xisbiyada qaranka ee wakhtigan aanu midna ku qanacsanayn oo uu wali u boholyow qabo aadna ugu qiiroodo wali xisbigii UDUB oo uu hore uga tirsanaan jiray wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo uu ka ahaa wasiir miisaan weyn ku lahaa.

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, ayaa eedeeyeey Xisbiyada Somaliland ka jira wakhtigan ee saddexda ah oo uu ku tilmaamay kuwa dadkii u kala saaray Qabaa’il oo qofkii murrashaxnimo doonaya, ku xidhaya inuu soo kaxayso odayaasha reerkiisa, isaga oo dhammaan saddexda xisbi qaran ku eedeeyey nidaamkaasi xun ee qabaliga ah oo uu sheegay in ay tahay arrin dhibaato weyn dalka iyo dadka ku ah.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa sidoo kale muujiyey in aanu ku qanacsayn saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland, isaga oo soo jeediyey in la furo Xisbiyada, waxaanu noqonaya wasiirkii ugu horreeyey ee ka tirsan xukuumad ee si badheedh ah u sheega in aanu xisbiyada ku qanacsanayn xataa xukuumadda uu ka tirsan yahay xisbigeeda ee oo ah KULMIYE waxaanu yidhi: “Xisbiyadii ayaa imika wada in ay dadkii qabaa’il u kala saaraan, waxaynu ku jirnaa in qofka murrashaxa la yidhaahdo reerkiinnii soo kaxayso, odayaashaadii iyo cuqaashaadii meeday. Waxaasi wax la aqbali karo ma aha waana arrin ku xun dimuquraadiyadda iyo xisbinnimada”.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Waxaan leeyahay 10 sanno wax yar ayaa ka hadhaye ha la sameeyo Xisbiyo cusub dadka iyo qaranka isku xidha. Waxa aan sidaasi u leeyahay, anigu maanta Kulmiye ayaan ku jiraa, shalay WADDANI, tii ka soo horreysay waxaan ahaa aasaasayaashii Xisbigii UDUB. Markii Xisbigaygii UDUB iga burburayna Ilaahay ayaa silic i baday oo waa anigan kolba mid galaya, uma arko Xisbiyo hagaagsan oo UDUB oo kale ayaan daydayayaa.” Ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub.

Siciid Sulub ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyey ee xukuumad uu ka tirsan yahay xisbigeeda dhaliila oo ku tilmaama mid aan wanaagsanayn, inkasta oo uu marka horeba wakhtigiii uu UDUB ka tirsanaa ee uu xukuumaddeeda ka ahaa wasiir culus aad u dhaliili jiray kana mid ahaa ragga miisaanka leh ee sida weyn u dhaliila Xisbiga KULMIYE oo markaa ahaa Mucaarid. Wasiir Siciid Sulub ayaa wakhtigii doorashada Madaxtooyada waxa uu si weyn ugu ololayn jiray xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ka tirsanaa balse in muddo ah oo uu aamusanaa kadib waxa uu ku soo baxay wakhti dhexe liiska xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, sidaana kaga soo laalaabtay xisbigii WADDANI.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews