Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Safar Ku Imanaya Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
November 18, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa lafilayaa Inuu maanta safar ku imanayo magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah Inuu xadhig ka jaro mashruuca dhismaha Madaarka Berbera oo dhamaaday iyadoo munaasibada xadhiga ka jarka la qaban doono maalinta Sabtida ee 20ka bishan November, balse Madaxweynaha ayaa Berbera sii joogi doona maalmaha Khamiista iyo jimcaha labada habeen ee Madaxweyne Muuse Biixi Berbera joogo ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato waayeelka iyo waxgaradka Gobolka Saaxil sidoo kale Waxa warar hoose ay shabakada Berberatoday helaysaa sheegayaan in Madaxweyne Biixi laftiisi dalbaday in Waxgaradka iyo Waayeelka Gobolka Saaxil si furan oo aan soo xulid lahayn ay ula kulmo.