Muwaadin Somali Ah Oo Budhacads Koonfur Afrikani Qoorta Kaga Jareen Deegaanka Vrygrond Oo Katirsan Gobolka Xeebta Ah Ee Muizenberg
November 18, 2021 - Written by admin
Sida ay qorayaan Wargaysyada Koonfur Afrika, Dhac ganacsi oo ka dhacay deegaanka Vrygrond oo ku dhow Xeebta Muizenberg ee Magaalada Cape Town, ayaa waxaa ku dhintay 31 jir SOOMAALI ah, kaas oo dhowr jeer ay Mindyeeyeen Laba Tuug oo weerartay.
Afhayeenka Booliiska, Joseph Swartbooi, ayaa sheegay in Booliska Muizenberg ay tageen goobta Vrygrond Avenue saacadu markay ahayd 3:45 galabnimo ee isniinta ayna heleen maydka ninkaasi oo ay dadka deegaanku u yaqaaniin Sulaiman.
“Markii ay yimaadeen goobta fal-dembiyeedka ee Vrygrond Avenue, waxay heleen meydka nin 31 jir ah oo jirkiisa dhaawac ka soo gaaray. “Dhibanaha ayaa shaqaalaha caafimaadku sheegeen inuu goobta ku dhintay.
“Sida ay sheegayaan wararka, laba tuhmane oo aan la garanayn ayaa soo galay dhismaha, iyagoo Tooriyeeyey Marxuunka, ka dibna waxay goobta uga baxsadeen jihada aan la sheegin iyagoo wata Cadad Lacageed oo aan cadadkeeda la sheegin oo laga soo qaatay goobta dembiga welina lama qaban,” ayuu yiri Swartbooi.
Wargayska Daily Voice ay booqday dukaanka, saddex nin oo shaqaale ah ayaa ku jiray albaab xiran, iyagoo aad u argagaxsan, waxayna diideen inay ka hadlaan dhacdada.
Nin 34 jir ah oo ka mid ah dadka deegaanka oo naxsan ayaa yiri: “Anaga oo taagan wadada hareeraheeda ayaa waxaan aragnay labada nin oo soo galay dukaanka ka dibna waxaan aragnay iyaga oo mar kale la soo cararay boorso….Ka dib markii ay carareen, waxaan maqalnay qof qaylinaya, ka dibna waxaan aragnay Sulaymaan oo dhulka jiifa…”Dadku waxay isku dayeen inay caawiyaan, laakiin mar hore ayey nafta ka baxday, sababtoo ah waxay u egtahay in nimanku qoorta ka galiyeen Tooreyda, dhiig badan, ayaana dhulka daadsanaa”.