berberatoday.com
Somaliland Xidhiidha Taiwan Iyo China Iyamaa Umuhiimsan W/Q Hassan Hussein Haydar
November 18, 2021 - Written by admin
Jabka ugu wayni waxa uu dhici kara Soomaaliland oo si adag ula xidhata China, dooda xisbiga Waddani soo dhigay ee kala doorashada China iyo Taiwan waa muhiim, laakiin sheekada way ka gun dheer tahay China iyo Taiwan oo qudha, dadka siyaasada wax u ga baxsan yihiina waa fahmi karaan.
China waa dal wayn oo wadamada Afrika xidhiidh fiican la leh oo kaabayaasha dhaqaalaha ka caawiya waddamada qaar sidda wadooyin, dekado iyo barnaamijyo waa wayn oo waxtara, tusaale ahaan Itoobiya wax badan ayuu la qabtay sida wadada tareenka. Mushkiladu waxa ay tahay China dhanka siyaasada waxba ka ma taro, mida kale waxa ay is hayaan reer galbeedka oo Maraykanku hor boodayo.
Taiwan waa dal yar oo ay is hayaan dalka wayn ee China, Taiwan raacideedu waa safka reer galbeedka oo Maraykan horjooge ka yahay, Khaliijka Carabtuna la haystaan. Haddaba Soomaaliland labadan saf keeba u roon China iyo Maraykanka, waxa xoog badan xulafada Maraykanka. Anigu labo arrinba waan ka soo horjeeda fikir ahaan, waa ku talax taga dhanka la raacayo. Kow in China xoog loo raaco oo la la xidho, China waa muhiim in la la macaamila laakiin haddi si xad dhaafa loogu xidhmo, waxa daba socda fajida daaquudka reer galbeedka oo khabiir ku ah sidda dawladaha loo burburiyo, ta maanta Itoobiya haysata oo kale. Ta labaad in Taiwan oo qudha lagu fogaado oo aan xulafada ay metasho aan toos loogu xidhmin waa Maraykane, tani haddi ay dhacdo waa surbocaad wayn. Waxa aan filaya in Taiwan inagu xidho xulafadeeda.
Gabogabadi waxa iga talo ah in aynaan qaadan siyaasad xagjira, waxa fiican dhex dhexaad dhan la haysta siyaasad ahaan iyo in xidhiidhka Taiwan iyo caawimada kooban ee ay bixiso aan war baahinta aad loo gelin oo arrimaha masiiriga ah culayska la saaro sidda in aynu gaadhno xulafadeeda. Waxa kale oo muhiima in China aan la tuurin oo xidhiidh lala yeesho, lala ganacsado waa dal wayne laakiin China in xulafo wayn la ga dhigta waa in Soomaaliland god ku dhacday. Arrintani waxa ay u baahan tahay fahan sare iyo bardaamin joogto ah, caadifad iyo xisbi midna kuma fiicna. Maxay kula tahay adiga akhriste..
Waxa qoray Hassan Hussein Haydar

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews