Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Shacabka Berbera Salaada Jimcaha Kula Tukaday Masjid Jaamaca
November 19, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL oo shacabka ku dhaqan magaalada Berbera kala qaybgalay tukashada Salaadda Jimcaha
-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku jooga Gobolka Saaxil, ayaa Masjid Jaamaca weyn ee Berbera kula tukaday Boqollaal kamid ah shacabka magaalada.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani oo salaadda Jimce kaddib bulshada la hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay nabadgelyada iyo wada-jirka bulshadu u leedahay dawladnimada, waxana ku baaqay in la garab istaago cid kasta oo horumarka dalka u taagan.