Xog Laga Helay Kulan Xalay Berbera Ku Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Gobolka Saaxil Kasoo Jeeda
November 19, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Kulankii xalay ee Madaxwayne Muuse Biixi ee Berbera ku dhexmaray 8 Sideed Xildhiban oo labo Golaha Guurtida katirsan yihiin iyo wixii laga wada hadlay, Xildhibanadan aya si cad waxay ugusoo bandhigeen Madxawyne Muuse Biixi qodabo nolasha aas aasiga ah khuseeya , waxana kamid ahaa Laydhka Berbera oo ay tilmameen in xaladiisu aanay fiicnayn gacantan ugalay gancsato macash doon ah oo aan shacabka unaxayn ,iyagoo Madaxwaynaha usheegay xataa qaybtii tTamarta soolarka cadceeda laga dhaliyo ee dawlada Imaradku ku cawisay Shacabka Berbera inaan qiimo kaga jabin ,