Agaasimihii Radio Muqdisho Oo Lagu Dilay Qarax Gaadhi Oo Caawa Fiidkii Lagu Beegsaday Magaalada Muqdisho.
November 21, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Allaha u naxariisto agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, ayaa caawa fiidkii l lagu dilay qarax gaadhigiisa loogu xidhay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weriye Cabdicasiis afrika, ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaadhay qaraxa, sida ay sheegeen masuuliiyiin katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xaqiijiyay geeridiisa.