berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweynaha Somaliland Iyo Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro
November 22, 2021 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) ku eedeeyay in Xamar looga soo dhiibay hadalkiisii ahaa in ‘Shiinuhu uu Somaliland uga muhiimsan yahay Taiwan’.

Faysal ayaa ku andacooday in hadalkaasi ahaa shirqool ay dowladda Soomaaliya soo maleegtay, isagoo sheegay in Xamar ku mashquulsantahay daminta iftiin kasta oo Somaliland u soo kordha.

“Maalintii dhawayd Cabdiraxmaan Cirro Taiwan ayuu ka hadlay, Taiwan arrinteedu arrin Xamar ka timid ayay u egtahay, waayo Xamar iftiinkii inoo baxaba in ay inaga bakhtiiso ayay doonaysaa, inaga ayayna ina isticmaalaysaa” ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay u siman yihiin Jamhuuriyada China iyo Taiwan, isla markaana ay soo dhawaynayaan in ay xidhiidh Somaliland la yeelato labada dhinacba “China iyo Taiwan labadaba waynu u furanahay…”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID wuxuu eedaymo u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay in haddii Dadku ay mar labaad doortaan Madaxweyne Biixi ay shantooda farood Qaniini doonaan “Farbaad Qaniinteene Shantaba Waad Qaniini Doontaan” ayuu yidhi isagoo ka hadlayey Magaalada Gabiley.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews