Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Dawlada Xamar Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Wasiiro Kale Oo La Isku Bedelay
November 23, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud
Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, waxaana wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda loo magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan oo loo yaqaano Pekos.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa waxaa sidoo kale xilalkii la isugu badalay wasiirada kala ah Maxamed Aadan Macallin Soomaali, kaasoo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen Badni oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.