berberatoday.com
Itoobiya Meel Roon Iyo Meel Baas Halkay Ku Dambayn Doontaa?Siyaasi Cali Guray.
November 24, 2021 - Written by admin

Xaaladda Itoobiya Ma Muuqato in xal nabad ah lagu soo dabaali Karo iska daa heshiis in la gaadho eh xataa xabad joojin Ayaaban suurtogal ahayn wakhtigan iyo xataa mustaqbalka Dhaw. Marka aynu og nahay dhexdhexaadintii ergayga AU xabad joojin shuruud la’aan ah. Shuruudaha labada dhinaca ee Abye Ahmed Oo saaka ku waabariistay foromaha hore ee dagaalka iyo Madaxda TPLF ay ah kaaf iyo kala dheeri. TPLF sadex shardi oo ay ku xidhay aqbalaadda xabadjoojinta mid ahaan mooyee labada kale maba adka. Tigraygu waxay shardiga koobaad u ah in kaalmada bani aadminmo ay si caadi ah u gaadho dadka macaluushu hayso ee Gobolka Tigray. Waa ta labaad eh in loo soo wada celiyo gobolka dhamaan adeegyadii dawladda ee laga gooyay oo dhan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Korontadii iyo warisgaadhsiintii iyo weliba gancasigii iyo isu socdka gaadiidka iyo badeecadaha. Qodobka ugu adag ayaa noqonayaa ee dhamaan ciidamada Itoobiyaanka, Amxaarada, iyo Calatariya ay wada baxaan galbeedka Gobolka Tigray sida Xumayra oo xadka Sudan oo Axmaaradu sheegato in ay degaankooda ka tirsan tahay balse Tigraygu ay degaankooda raaciyeen markii xukunka Itoobiya ay la wateegeen horaantii sagaashanadii qarnigii hore. Dhinaca Kale Abye Ahmed wuxu ku adkaysanayaa in aanay jirayn wax xabadjoojin ah inta ciidamada TPLF ay haystaan magaalooyinka iyo dhulka degaamada Amxaarada iyo Canfarta ee dagaalka ay ku qqbsadeen oo dhan dibna ciidamada TPLF ugu noqonayaam Gobolkooda Tegray.

 

Sidaa marka mawqifyada labada dhinac yihiin xabadjoojin warkeeda meel ayaa la iska dhigay, dagaalkina si joogto ah ayuu u socdaa weliba waxa ku gacan sareeya TOLF iyo jabhadda OLA oo maalin kasta magaalooyin hor leh kala wareegaya Ciidanka Dawladda iyo xulafadooda ka barbar dagaalamaya in kasta oo maalmihii ugu dambeeyay Ciidanka Dawladda, militia-da Amxaarada iyo weliba ciidamada Canfartu ay uga quus gooyeen Magaalada Istraatajiga ah ee Mille ee dhacda wadada muhiimka ah ee isku xidha Jabuuti iyo Addis Ababa.

Bulshada caalamka gaar ahaan Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo EU ayaa werwerka ugu wayn ka qaba in dagaalku uu gaadho gudaha caasimadda Addis Ababa dagaalkuna isu rogo dagaal sokeeye oo birta la iska wada aslo. Inta aanay heerkaa gaadhin ayay cadahay dadaaladii la sameeyay oo dhami in ay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Sidaa daraadeed dawladaha waawayn oo aan wax rajo ah ka qabin in dagaalka la joojio ayay taladoodu ku soo ururtay in ay dadkooda uga digaan khatrata uga iman karta dagaalka Itoobiya iyagoo dadkooda ku sugan Itoobiya kula taliyay in sida ugu dhakhso badan ay uga baxaan Itoobiya inta ay goori goor tahay. Kuwana waxay bilaabeen duulimaadyo gaar ah oo dadkooda ay kaga daadguraynayaan Addis Ababa oo ay dagaaldu ku sii dhawaanayaan maalinba maalintaa ka dambaysa.

Dad badan oo xogogaalnimo iyo xeeldheeri loo tiriyo iyo warbaahinta caalamiga ah halka xaaladda Itoobiya ay ku dambayn doonto way ka dayrinayaan. Kuwo ayaa rumaysan in wixii Itoobiya la isku odhan jiray ay u dhamaatay kuna dambayn karto dawlado dhawr ah oo qoomiyadaysan. Kuwo kale ayaa iyaguna xusay hadii Itoobiya ay sii jiridoonto iska daa Dawladda Dhexe oo awood lehe xataa waxa adag in sida hadda ay tahay noqoto federaal, magaca Itoobiyana waxa uu ku sii jiri karaa keliya nidaam Confederal ah oo dawlado wadaaga magaca balse waxa keliya ee ka dhexeeyaa uu yahay  lacacagta, iyo arimo yaryar oo kale uun ay yihiin. Waa hadii magaca Itoobiya uu sii jiri doono.

Hadaba dagaalkan Dawladda Abye Ahmed iyo mucaaridkiisa hubaysan yaa guulaysan kara ayaa loo malayn karaa. Anigu sida aan u arko dhinac la odhan karo wuu guulaysanaa ma jiro ee waxay u badan tahay in la wada guuldsraysanayo in kasta oo dhinaca qoomiyadaha ay mid guuldsradeeda ta kale ay guusheeda u arki karto. Kuwo kalena ay burburka Itoobiya u arki karaan in guushoodu ay ku jirto.

Ugu dambaystii waxan iswaydiinayaa tolow tii Soomaali ahayd xaaladda Itoobiya ee heerka ay marayso aynu ka soo hadalay meel-la ma ka soo gelayaan ilayn waa qoomiyad qoomiyadaha Itoobiya uun ka mid ah eh? Jawaabtu waa maya. Waayo iyaga indhahoodu ma dhaafsiisna iyaga dhexdooda. Iyaga ayaa isu jeeda oo isku haysta madaxnimo ay iyagu isu hayaan hadana ay magan uga kala yihiin labada qoomiyadood ee ku hirdamaya kuna soo hirdami jiray awoodda xukunka Itoobiya muddo ka badan 2000 oo sanadood oo iyagu keligood soo xukumi jiray. Soomaalida xukun jacaylku qaatay waxay u kala ducaystaan Ilaahayow Tigrayga quwee iyo Ilaahayo Amxaarda aan la jebin. Sababtu wax kale maaha kuwo Tigrayga ayay rejo ka qabaan hadii ay adkaadaan in ay wakiil uga noqon doonaan Soomaalida oo DDS madax uga dhigi doonaan. Kuwo-na intaa Tigrayga ayay habaarayaan oo waxay leeyihiin hadii kuwaasi adkaadaan madaxnimo idiin la’. Oo hadii midna guulaysan waayo oo Itoobiyaba ay burburto maxaa inoo talo ah ma jirto. Inta sidaa xaalkoodu yahay rejo lagama qabi karo in ay ka wada tashadaan danta ay wada leeyihiin ee ka muhiimsan kuraasida ay isku hayaan.

QALINKII; SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews