“Saaxiibkey, Xildhibaan Cali Malable Waxaan Leeyahay; Hadii Aanad Adigu Ogaal Ulaheyn, Ciddi Codka Ku Siiyey Iyo Xisbigaagii, Gudoomiye Cabdirisaq Waa Yaqaannaa Dadkiisa Iyo Ciddii Dooratayba”Xil Barkhad.
November 24, 2021 - Written by admin
Xildhibaan Barkhad Batuun oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Cali Qaran ayaa yidhi:-

Saaxiibkay xildhibaan cali malable waxaan leeyahay;
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed muddadii koobnayd ee uu golaheena hoggaaminayay waxa uu gaadhsiiyey guulo wax ku ool ah. Waxa ka mid ah: dhismaha guddi hoosaadyo, dhammaystirka xeerka golaha, dhismaha iyo dayactirka xarunta golaha, tayaynta shaqaalaha goolaha, tabobarida xildhibaanada goolaha, soo kordhinta lataliyayaal khuburo ku ah sharciga, dhaqaalaha, afka, iyo Xidhiidhka baarlamaanada caalamka.