Wasaaradda Caddaaladda Oo Ruqsadihii kala Noqotay 12 Nootaayo, Magacyadooda Sababta
November 25, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland ayaa maanta laashay ruqsadaha 12 Nootaayo, iyadoo cuskanaysa qodobka 18aad ee xeerka Nootaayooyinka, siday ku sheegtay Wasaaraddu war qoraal ah oo warbaahinta loogu talogalay.
Qoraalka Wasaaradda oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee wakaaladda SOLNA ayaa u dhignaa sidan.
Wasaaradda Caddaaladdu waxay maanta oo ay Taariikhdu tahay 24.11.2021 ay ku laashay ruqsadihii nootaayooyika hoos ku xusan, siduu dhigaayo qodobka 18aad ee xeerka Nootaayooyinka Somaliland ee xeer Lambar 18/2001, kuwaasoo sifo sharciga waafaqsan looga laalay ruqsadahii ay haysteen: waxaana ay kala yihiin Nootaayooyinka, Xaqmaal, Rays, Haybis, Sareedo, Axbaab, caarif, Raabi, Hiilsan, Intifaac, Makka, Tawakal, Marxaba, kuwaasoo ku kala yaalla gobollada Somaliland.