berberatoday.com
Dagaalka Ka Socda Gudaha Dalka Itoobiya Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karro Xaalada Dalalka Geeska Afrika Ee Ay Somaliland Kamid Tahey!
November 26, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Muddo Ku siman Laba Sanadood ayuu hadda Ka socdaa Gudaha Dalka Itoobiya, Dagaalo u dhexeeya isla Itoobiyaanka Dhexdiisa kaas, oo Wakhtigan Maraya Marxalad Adag, oo lagala Quustay in Beesha Caalamku ka gasho dhexdhexaadin, lagu Damiyo Xiisada iyadoo Dagaalku u Gudbay, Meel aad u Xasaasi ah Kadib Markii, Dawllada uu Hogaaminayo Rayslawasaare Aby Ahmed Ay ku dhex furtey Qawmiayadaha Ku Nool Dalkaasi oo ay ugu horeeyaan, Laba Qawmiyadood ee Axmaarada iyo Tigreega taas oo Noqonaysa Markii ugu Horaysay ee Nooceeda ah, oo Dalka Itoobiya dagaal Qawmiyadaha u dhexeeyaa Gudaha Dalka Ka bilaabmo, sida lawada ogyahayna, Waxa ay Dagaaladani Sababeen, Barakac Xoog leh, oo Shacabka Itoobiyaanka ku dhacay iyo dhacdooyin, Fool xun oo loo gaystay Shacabka Tigreega, Waana Markii u horeysay ee Shacabka Itoobiyaanka ah Dhexdooda la isku hubeeyo.

 

Haddaba Marka loo eego Saamaynta uu ku Yeelan Karro Dalalka Geeska Afrika ayaa iyaduna ah Mid aan, indhaha laga qarsan Karrin taas, oo ay Mar Walba suurtagal Tahey in uu Wakhtiganba Saameeyay, Qaar Kamid ah Dawlladaha la Dariska ah Itoobiya Sida Dalka Jabuuti, oo ay Madaxdiisu Sheegeen, in dhaqaale ahaan uu u Saameeyay Dagaalkaasi, Waxa ay Taasi markhaati u tahey, in haddii Xasiloonida Dalka Itoobiya sidan kusii socoto, uu yeelan karro Dagaalkani Saamayn dhinacyo badan ah oo Guud ahaanba Taabata Dalalka Dariska la ah, Waxaanay Mar Walba Fashil Siyaasadeed ku noqonaysa Taariikhda Xukuumada uu Hogaaminayo Raysalwasaare Aby ahmed, oo aan si qoto dheer iga fikirin Caqiibo Xumadda Dagaalkani ku yeelanayo Dadka Tira badan ee Itoobiyaanka ah, oo aan Waligood ku qeybsamin Isabadelada Siyaasadeed, ee hore uga dhici Jirey Dalka Itoobiya.

Majiro Dal kuyaala Qaarada Afrika, ama Dalalka Geeska Afrika oo Qaadi karra Qoxootiga Kasoo barakaca Dalka Itoobiya iyadoo Cabsida ugu Weyni ka jirto marka Dagaaladani soo gaadhaan Qawmiyadda Oromada oo kamid ah kuwa ugu tiradda Badan ee Ku Nool Dalkaasi.

 

 

 

Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews