Ciidamada Dawlada Itoobiya Oo Kala wareegay Xoogaga Tigrayga Magaalada Chifra Oo Ku Taala Deegaanka Canfarta
November 29, 2021 - Written by admin
Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay magaalada Chifra ee deegaanka Canfarta oo haysteen jabhada Tigrayga ee TDF illaa bishii hore .
Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa ku warantay in ciiadanka federal-ka oo kaashanaya ciidamada gaarka ah ee deegaanka Canfartu in ay qabsadeen magaalada Chifra oo ku taalla galbeedka Canfarta .
Weriye ka tirsan Telefiishanka AlJazeera qaybtiisa Af-Carabiga Maxamed Daaha Tawakal ayey suuragashay in uu gaadho magaalada , waxaana uu xaqjiiyay in xoogaga Tigrayga laga saaray magaalada .
Waxa uu sheegay in magaalada si arxan daran loogu dagaalamayay uu maydku meel walba daadsan yahay , iyada oo xataa dhulka lala simay masaajidadii .
Ra’iisalwsaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku sugan maalmihii ugu dambeeyay aaga dagaalka ee deegaanka Canfarta .