Dhukumanti Sir Ah Oo Muujiyey Mawqifka Dawladda Turkiga Ee Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland!
November 29, 2021 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Dowladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Recip Erdogan, ayaa caddeysay mowqifkeeda ku Aaddan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay soo bandhigtay Inay sidii laba dowladood oo kala duwan ula dhaqmayso labada waddan.

In kasta oo dowladda Turkey-gu xidhiidh dhow la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Farmaajo ee ka dhisan Muqdisho oo ay taageero Milatari iyo mid dhaqaaleba ku Caawiso, haddana dowladda Turkigu waxa ay caddeysay inay Somaliland ula dhaqmayso sida waddan madax-bannaan.