GOLEYAASHA DEEGAANKU XAQ BAY U LEEYIHIIN IN AY CASHUURO SOO ROGAAN W/Q MAXAMED DHIMBIIL
December 1, 2021 - Written by admin
Sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 14 naad faqradiisa 1aad ; waajibinta cashuuraha iyo waxii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta & maslaxada bulshada)
Cashuur ama Gibil waa dakhli ay qaado dawlada dhexe ama dawladaha hoose kaasi oo uu xeer jideeyey loona arkay lagama maarmaan iyo maslaxad umadeed iyada oo la waafajinayo duruufaha iyo waayaha hadba taagan.
Sida ku cad qodobka 40naad ee xeer lr 23 xeerka is maamulka dawladaha hoose faqeadiisa 1aad waxa uu qeexayaa waajibaadka laga sugayo goleyaasha deegaanka oo tiro badan , si ay u fuliyaana waa in ay helaan xeerar ay ku shaqeeyaan.
Qodobka 65naad ee Xeer lr 23 ayaa qeexaya awooda ay u leeyihiin in ay xeer soo rogaan ( by laws ) iyaga oo marka ay sameeyaan u gudbin doona wasaarada arimaha gudaha si ay ugu sii gudbiso Garyaqaanka guud ee qaranka uu ku hubin doona in aanay dastuurka iyo xeerarka dalka ka hor imanayn , ka dib ayaa gudoomiyaha degmada lagu soo celinayaa oo uu saxeexayaa laguna soo saarayaa faafin rasmi ah.
Sida ku cad Qodobka 88naad ee xeer lr 23 faqradiisa 1aad iyo 2aad; goleyaasha deegaanka dalku waxa ay xaq u leeyihiin in ay soo rogaan cashuur ama wax ka badelaan , kordhiyaan , dhimaan tacriifada liisamada iyo takaaliifta ay awooda u leeyihiin.
Sida ku cad qodobka 90naad ee xeer lr 23 golaha deegaanku waxa uu sameynayaa miisaaniyad sanadeed 3 bilood ka hor sanadka miisaaniyadaasi loogu talogalay iyaga oo raacaya xeerka maamulka maaliyada 75/2016 .
Miisaaniyada marka ay sameeyaan waxaa ay u gudbinayaan wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland oo u gudbin doonta wasiirka wasaarada maaliyada si loogu hubiyo waafaqsanaanta miisaaniyada guud ee qaranka iyo xeerarka maamulka maaliyada iyo xisaabaadka .
Haddaba miisaaniyadu waa odoroska dakhli iyo ku dheelitirkiisa kharash ee sanadka soo socda , dakhli marka laga hadlayo waxaa uu ka imanayaa ilo iyo madaxyo ay ku waajibtay cashuur xeer jideeyey, dawlada dhexe cashuur ma soo kordhin karto ilaa golaha wakiiladu ansixiyo , laakiin fulinta dawlada hoose cashuurta ay soo rogtaa waa in golaha deegaanku ansixiyey lana mariyaa goleyaasha , iyo hay’adaha qaranka ee xeerku tilmaamay.
MIISAANIYADA DAWLAHA HOOSE GOLAHA WAKIILADU MAADAAMA OO AANU ANSIXININ , XISAAB CELINA AAN LOO KEENIN SIDEE XEERKU U SIIYEY AWOODAHAN ?
Waxa haddaba layaab ah xeerka 23 qodobadan hoos ku xusani waxa ay sheegayaan in golaha wakiilada ogolaanayo waxii takaaliifta cashuuraha liisamada ay awooda u leeyihiin ah dawladaha hoose ku kordhinayaan , ka dhimaan ama ka badelaan.
Hadii haddaba aanay miisaaniyada dawladaha hoose golaha wakiiladu ansixinin isla markaana aan xisaab xidhkeeda loo keenin sida dawlada dhexe maxaa golaha wakiilada loo siiyey awoodahani ay golaha deegaanku lahaayeen ileyn iyaga ayaa loo doortay deegaanka e ?
Qodobka 87naad ee xeer lr 23 ayaa ay ku cad yihiin cashuuraha iyo ajuurooyinka ay dawladaha hoose dakhligu ka soo galo iyaga oo tiro badan , halkaasi ayaa asnay ku jiraan cashuuraha ay hadda qaadaan iyo qaar aanay qaadinba.
Sida ku cad Qodobka 88naad ee xeer lr 23 faqradiisa 2aad ayuu xeerku ku cadeynayaa in golaha deegaanku awood u leeyahay xadidida tacriifada dhimista iyo wax ka badelkaba , isla qodobkaasi faqradiisa 3aad iyo 4aad iyo Qod 42naad ee xeer lr 23 xarafkiisa faqradiisa 9 aad xarafka C ayuu ku sheegayaa in golaha wakiilada la marinayo waxii khidmada liisamada ay awooda u leeyihiin ah iyo wax ka badel tacriifadeed.
CASHUURAHA IYO TAKAALIIFTA AAN LOO EEGIN MASAALIIXDA IYO DANTA DADKU WAA WAXBA KAMA JIRAAN ;
Sida ku cad Qodobka 14naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 1aad cashuuraha iyo takaaliifta waxa loo eegayaa danta iyo maslaxada bulshada, sidaa darteed cashuur aan xeer jideyn lama qaadi karo.
Faqradiisa 2aad curinta , dhaafida iyo wax ka badelka cashuuraha iyo takaaliifta xeer baa jideynaya.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil