berberatoday.com
Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Jilaaga Da,dayar Ee Sayid Barakaysan Oo Dhawaan Soo Bandhigay Riwaayad Siyaabo Kala Duwan Loo Turjuntay!
December 4, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Jilaaga caanka ka ah baraha bulshada ee  ku Magac dheer sayidka barakaysan ayaa ilo wareedyo xog-ogaal Ahi noo xaqiijiyeeen in xabsiga loo taxaabay,

Xadhiga jilaagan dadayar ee lagu magacaabo sayidka barakaysay ayaa la sheegay in xukuumada Somaliland xabsiga utaxaabtay maanta iyadoo ilaa hada la ogayn halka uu ku xidhan yahay iyo cida ka amartay xadhigiisa  .

 

Wiilkan Dhalinyarta oo ilahay hibo u siiyey curinta majaajilooyin aad uga qosliya bulshada ayaa uu ka Matelaa wacyiga taagan iyo waxyaabaha ay umadu tabayso, waxaan isaga iyo kooxdiisa oo u badan Dhalinyar laguna magacaabo Team Wadada Xaqa ayaa sameeyey maalmihii ina soo dhaafay Film kooban oo isugu jira maadays iyo qosol oo laga matelay xukuumada, iyo shaqada wasiirada qaar kamid ah, waxaana filimkaas oo bulshada qaybeheeda kala duwani si weyn uga falceliyeen ay ku saabsaneyd dhawr arrimood oo isugu jira doorka xukuumada, dadka baahan ee danyarta ah iyo sida aaney dadkeenu u caawin waxna ugu qaban kuwa aan waxba haysan balse qof aan u baahnayn oo wax haysta isaga wax loogu daro.

Wararka aanu helay ayaa sheegaya inaan ilaa hada garaneyn goobta lagu xidhay iyo cida fulisay xadhigiisa, waxaana dad xog ogaal ahi noo sheegeen inay raadinayaan qoyskiisa iyo ehelada Idiris Sayidka barakaysan oo ah maskaxda soo saarta muuqaalada koob kooban ee ay bulshadu aad ugu qoslaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews