berberatoday.com
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Canada
December 5, 2021 - Written by admin

Ottawa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Ciisa Kayd iyo wefdi uu hogaaminayey oo booqasho shaqo ku jooga dalka Kanada ayaa kula la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka.

 

Wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibeda oo gaadhay dalka Khamiistii ayaa kulanka Dr Ciise oo ay ku wehelinaysay safiirka Somaliland ee Canada Marwo Luul Axmed Cismaan, ayaa la sheegay inay xildhibaanada Baarlamaanka ka wada hadleen dannaha labada wadan.

Fariin lagu baahiyey barta rasmiga ee Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibeda ayaa u dhignayd sidan;

“Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Ciisa Kayd, ayaa kulan la qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada, waxaanay si weyn uga wadahadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya danaha guud ee labada waddan.”

Booqashada wefdiga Wasiir Dr Ciise ayaa imanaya ka dib markii uu hore booqashooyin shaqo uu ku tegay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska kula soo kulmay xildhibaano iyo siyaasiyiin dalalka ay ka wada hadleen iskaashiga Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews