berberatoday.com
Garyaqaan Sharci Oo Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Ugu Baaqay In Ay Faafiyaan Xeerka Furista Ururada Oo Dhaqan Gal Ah! “
December 6, 2021 - Written by admin

“Saddexdan Xisbi Qaran Ee Hada Jiraan, Waxay Dhamaanba Ka Baydheen Dariiqii Horumar Iyo Midaynta Fikirada Wax Tarka Ulahaa Bulshada, Waxaanay Ka Shaqaynayaan Nidaam Siyaasadeed Oo Ku Dhisan Qabyaalad Iyo Yooyootan”Garyaqaan Timo.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi Timo Oo Kamid Qareenada Madaxbanaan ee Somaliland una Dhaq Dhaqaaqa Sidii loo furi lahaa Ururada siyaasada jsl Si shacabka Somaliland uhelaan  xisbiyo la wada leeyahay, oo ka turjumaya rabitaanka shacabka ayaa  shir gudoonka golaha wakiilada iyo xildhibaanada Ugu baaqay in ay sharci ilaaliyaan islamarkaana ay dhaqan galiyaan xeerka ururada siyaasada ee golaha Horyaala.

 

Sidoo kale garyqaan Timo ayaa iftiimiyay laba qodob oo sharciyan umihiim ah hirgalinta xeerkan isagoo Shir gudoonka golaha wakiilada uga digay in ay ku kacaan sharci jabin,isagoo arimahaasi ka hadlaya Wuxu yidhi;

Waxaan Halkan Bulshada reer Somaliland Ugu Iftiiminayaa laba arimood oo ku saabsan furista xisbiyada Qaranka JSL

1;Ugu horayn saddex xisbi qaran ee manta jiraa waxa Dhamaaday muddo xileedkoodii oo ahaa 10 ka sano, markasta Oo muddo xileedyada hayadaha qaranku dhamaado waxa Waajib ah in in la helo kalsooni shacab oo danbe,waayo hayad Kasta oo qarankan ka mid ahi waxay ku fadhidaa kalsooni Waqtiyeysan oo shacabka reer Somaliland siiyeen,  xisbiyada Qarankuna waa xisbiyo qaran oo ku fadhiya kalsoonida shacabka reer Somaliland siiyeen waxaanay muddada sharci ahaan saddex xisbi la doortay ahaa 10 sanno waanay dhamaatay muddadi sharciyada ee Xisbiyada mana shaqayn karaan ilaa la furo ururada/ Xisbiyada oo ay mar labaad cod shacab ku yimaadaan waana waajib dastuuri ah.

2;Saddex xisbi qaran ee dalka ka jira waxay noqdeen xisbiyo ay shakhsiyaad gaar ahi leeyihiin oo caqabad ku ah horumarka iyo Geedi socodka dimuqraadiyada dalka, waxa kale ay caqabad ku Yihiin xuquuqdii muwaadiniinta reer Somaliland dastuurka JSL u Waajibiyey oo ah in qof kasta oo reer Somaliland ahi uu xaq u leeyahay in la doorto, waxna uu doorto taasina ma jirto oo  xisbiyadii waxa yeeshay shakhsiyaad gaar ah oo aan ogolayn in cid kale ka soo baxdo awoodii Xisbiyaduna waxay ku ururtay hogaanada xisbiyada hadda jira oo kaliya taasina waxay caqabad ku tahay aqoonyahanada iyo dhalinyarada reer Somaliland ee hanka siyaasadeed leh,

Waxa kale oo ay saddexdan  xisbi qaranka ay caqabad ku yihiin kana hor imanayaan masiir iyo himiladii iyo dantii ay Shacabka reer Somaliland ka lahaayeen dhismaha dowlada Somaliland oo ahaa helitaanka iyo dhisitaanka dal madax banaan oo ummada horumar iyo barwaaqo, wada jir, isku duubni, aqoonsi caalami ah intaba keenta ,sugta in la helo taasi ma jirto oo saddexdan xisbi waxay dhamaanba ka baydheen dariiqii horumar iyo midaynta fikirada wax tarka u lahaa bulshada waxaanay ka shaqaynayaan nidaam siyaasadeed oo ku dhisan qabyaalad iyo yooyootan siyaasadeed oo aan wax dan ah oo ummada reer Somaliland iyo xisbiyada laftoodaba ugu jiraa aanay jirin, waana hab dhaqan aan bulshada reer Somaliland anfacayn danina aanay ugu jirin, waxaana shacabka reer Somaliland dan u ah in la furo ururada/Xisbiyada, si loo helo xisbiyo ka duwan kuwan maanta jira oo keena isbadal dhab ah oo ummada reer Somaliland ku horumari karto una horseedi karo kor u kac dhaqaale, caafimaad, wax barasho, iyo nolol wanaagsan.

3;Arinta sharciga ee ku saabsan xeer No 14/2021 oo baryahan ba hadal hayntiisu ku jirtay baraha bulshaduna waa sidan

“Kaabbista Iyo Wax ka Beddelka Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr. 14/2021” waa dhaqan-gal, taas Awgeed Golaha Wakiiladdu waa in uu faafiyaan sida uu dhigayo Qodobka 34 (18) Ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiiladda Iyo 77(6) Ee Dastuurka oo waajibiyey faafintiisa. Xilkaas oo saarran shir guddoonka Golaha Wakiilada iyo dhamaan xubnaha Golaha Wakiilada sida uu Xeer hoosaadku tilmaamayo.

Waxaanan halkan cod dheer ugu baaqayaa Shir gudoonka golaha wakiilada iyo dhamaan 82 xubnood ee golahaba inay ilaaliyaan dastuurka JSL ee ay xildhibanada ku yihiin iyo xeer hoosaadka golaha oo ay dabaqaan sharciga dalka waajibaadkooda dastuuriga ahna gutaan oo aanay eegin dano u gaar ah ,waxaana ku waajib ah inay faafiyaan xeer N0 14 oo ah dhaqan gal sharci ahaan

Haddii kale waxa kale ee uu ku kacaan  waa qayra dastuuri, iyo dastuur jabin

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews