Diblumaasi Maraykan Ah Oo Sheegay Inay Fiicnaan Lahayd In Somaliland Lagu Daro Shir Ay Ka Qayb-galayaan 111 Waddan
December 8, 2021 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Dalalka Itoobiya iyo Biniin Amb. Timbor Nagy, ayaa ka hadlay Shir lagaga hadlayo Dimuqraadiyadda oo Madaxweynaha Maraykanku uu bishan sagaalkeeda qabanayo.
Shir-madaxeedkan, ayuu sheegay inay ka qayb-galayaan illaa 111 Waddan, kuwaasi oo ay ku jiraan 17 Waddan oo ka mid ah Afrika, laakiin wuxuu uu jeclaan lahaa in Somaliland lagu daro Dalalka lagu marti-qaaday ee Taiwan ka mid tahay.