Waxaana xusid mudan in sannadkan ciidamada dalka loo kordhiyey 20% mushahaarooyinkooda.
Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2022-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:
Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka,
Xakamaynta sicir-bararka
Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland.
Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka.
Xoojinta amniga.
Qabashada iyo soo saarista biyaha.
Ku-talogalka abaaraha.
Xoojinta keydka qaranka.
Kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Dhiirrigelinta wax soo saarka.
Deegaanka.
Xoojinta ictiraaf raadinta.
Kaabayaasha.
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo qodob qodob u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyada oo ay xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2022-ka.
Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2022-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 30 wasiir, waxaana u codeeyey 29 wasiir, halka uu wasiir ka maamusay, mana jirin cid diidday ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2022-ka.