Siyaasiyiinta La Baxay ‘Somaliland-jire’ Oo Sheegay In Xeerka Furista Ururrada Siyaasaddu Dhaqan-gal Yahay
December 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiyiinta la baxay ‘Somaliland jire’ oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Shacabka ku war-geliyey inuu ansax yahay Xeerka Furista Ururrada siyaasadda Somaliland, sidaasi darteed loo baahan yahay inay ka war qabaan.
Siyaasiyiintani waxay sheegeen inay Golaha Wakiillada ee cusub uga Mahad-celinayaan in aanay Xeerkaa faro-gelin ku samaynin, taasi oo ka dhigan inuu ansax ku yahay sidii ay ku soo ansixiyeen Golihii Wakiillada ee hore.
Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Xubnaha ‘Somaliland jire’ oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada ee gartay in Xeer Num. 14 (Xeerka Furista Ururradu) dhaqan-galay ee sidiisii u daayey, waxay u dhaarteen Dadka iyo Dalka, Bulshaduna ha ogaato in Ururradii siyaasaddu furmayaan.”