berberatoday.com
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Si Adag Uga Hadlay Doorashada Golaha Shacabka Dawlada Xamar Uu Boob Ku Tilmaamay Sida Loo Wado
December 11, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlaayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Musharaxiinta aysan diidaneen doorasho ka dhacda dalka, balse ay diidan yihiin boobka lagu haayo doorashada

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay iney dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran, taa badal keedana ay socoto doorasho boob ku saleysan.

“Inaga waxaan dalbanay in doorashada la dadajiyo balse ma dalban in la boobo, ma dooneyno boobka, kursi habraac loo maray majiro, waxaana dooneynaa halbeega loo maray kuraasta la doortay, guddiga doorashada qudhooda way is khilaafsan yihiin oo waxay isku qabteen doorashada hala joojiyo iyo hala sii wado, halka dowlad goboleedyada boob baahsan uu ka socdo, taasina waa waxa aan diidanahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili doorashooyinkii Golaha Shacabka ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb ay noqdeen kuwa cabasho xoogan laga muujiyay hanaanka doorashadoodu ay u dhacday oo lagu tilmaamay kuwa aan daahfurneen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews