berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Cambaaraysay Xadhiga Jilaa Idiris Siciid Mohamed (Sayidka Bakaysan)Iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim.
December 12, 2021 - Written by admin

Warsaxaafadeed                                       

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Jilaa Idiris Siciid Mohamed (Sayidka Bakaysan) iyo  Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim.

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Idiris Siciid Mohamed oo loo yaqaano (Sayidka Barakaysan) oo ah jilaa dhalinyaro ah oo degen  magalada Hargaysa iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim, oo is na Burco degan. Labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa loo xidhay sababo la xidhiidha  inay ra’yigooda cabireen.

2/12/2021, waxay booliisku Hargeysa ku xidheen, Idiris Siciid Mohamed oo loo yaqaano Sayidka Barakaysan, kadib markii uu jilay oo uu duubay ruwaayad majaajilo ah taas oo uu baraha bulshada soo galiyay, isagoo sheegay inaanu cid gaar ah ula jeedin ee ay tahay uun wacyigalin guud.

Xadhiga jilaagan loo ma adeegsan wax warrant sharci ah oo sababaysan, Idiris waxa la horgeeyay maxkamadda 5/12/2021 iyadoo loo jaray todoba cisho oo rumaan ah wuxuuna hada ku xidhan yahay xarunta danbi baadhsita ee CID, sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen.

Dhanka kale 6/12/2021, waxa Burco lagu xidhay Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim, oo ah nin dhalinyaro ah oo Burco degan, kadib markii uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku dhaliilay Wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland.

Xadhiga dhalinyaradani  waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka. Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraal ah, hadal ah, gabey, suugaan amaba qaabkale.

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale reebaya in qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka. 25 (1) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu banayn”.

Xaruntu waxa ay walaac weyn ka qabta xadhiga sharci darada ah een dastuurka  waafaqsanayn oo Somaliland ku sii badanaya, mudooyinkan danbe waxa sii xoogaysanaya dadka loo xidhayo inay ra’ayigooda cabireen.

 Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah oo ay si degdeg ah usii dayso dhalinyarada xidhan, isla marka dastuurka dalka tixgaliso.

Yaasmiin Cumar  Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanaj

Press release:                                                                               9/12/2021

 

Human Rights Centre Condemns the Arbitrary Detention of Idiris Sa’eed Mohamed and Mohamoud Maxamed Haji Ibrahim.

Human Rights Center condemns the arbitrary arrest of the comedian Idiris Sa’eed Mohamed, also known (Sayidka Barakaysan). On December 2, 2021, Idiris Sa’eed Mohamed, has been arrested by the Somaliland police. His arrest comes after a mock portrayal of the president; he was detained without warrant and due process of law.  He brought to the court on 5 December 2021, and was remanded in to seven days as his family informed to us.

In addition to that, on December 6, 2021, Mohamoud Mohamed Haji Ibrahim, got arrested in Burao after he published Facebook post criticizing the Somaliland ministry of interior.

Article 25(1), in particular states that “No person shall be deprived of his liberty except in accordance with the law.” On the other hand, article 32(1) grants citizens the right to express opinions orally, visually, artistically or any other way.

Moreover, Article 25(2) of the Somaliland Constitution dictates that “No person may be arrested, searched, or detained, except when caught in flagrante delicto, or on the issue of a reasoned arrest warrant by a competent judge”.

Somaliland government should respect and adhere to the laws governing the country accordingly, and specifically to the Constitution of Somaliland. We call on the government of Somaliland to release the detainees immediately, stop arbitrary detentions and respect the freedom of expression enshrined in the constitution.

Yasmin Omar Haji Mohamoud

The Chairperson of Human Rights Centre, Somaliland

Twitter: @hrcsomaliland

 
 
 
 
 
 
 
 
Yasmin Omar Haji Mohamoud
Chairperson of Human Rights Centre Somaliland
Mobile: +252 (0)634472011
http://www.hrcsomaliland.org/
Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality.  

Connect wit us:

https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews