Aragtidii Abiy Ahmed Ee Ciidamaynta Geeska Africa Ee Dawladaha Shisheeye Ma Waxbaa Iska Badelay?
December 14, 2021 - Written by admin
Ra,iisal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa aaminsanaa in gobolka Geeska Africa oo ay ku yaalaan ilaa toddoba saldhig military oo ay leeyihiin dawladaha shisheeye in ay khatar ku yihiin gobolka.
Waxa uu hore u cambaareeyey saldhigyada dawladaha shisheeye ee ku soo badanaya gobolka , waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ma doonayno in gobolkani noqdo garoon dagaal ( Battle field ) lagu dagaalamo oo ay ka jiraan saldhigyo ciidamo shisheeye.
