“Muuse Waxa Aan Usheegayaa In Aanay Shalay Maanta Ahayn, Xisbiyada Mucaaradkuna, makaa Yeelayaan in Aad Hortooda Somaliland Iyo Dimuqraadiyaddeeda Ku Burburiso” Musharax Cabdiraxmaan Cirro. “
December 15, 2021 - Written by admin
“Doorashadii Madaxtooyada xilligeedii ku qabo November 13, 2022 qiiq isku qarin iyo Urruro xilligoodii ka hor la furayo lagaa yeeli mayo”musharax cirro.
Dawladnimadeenna Waxa Saldhiggeeda Ugu Weyni yahay in uu sarreeyo sharciga. Muddadii uu talada dalka hayay Madaxweyne Muuse Biixi waxaa Xisbiyadayada Mucaaradka dulqaadkooda xudun u ahaa dhawrista kala dambaynta, hannaanka dawladnimo & nabadda, welina waa ay ku taagan yihiin kuna adag yihiin, laakiin waxaa cad in Madaxweynaheennu kala-qeybsanaantii uu ku yimid aanuu weli ka waantoobin; maalin walba waxa uu la soo baxayaa dhaqan cusub oo uu ummadda ku kala irdhaynayo isaga oo ku darsaday inuu maalinba tiir dawladnimadu ku taagan tahay duminayo.