“Hadii Mar Kale Shirqool Lam.14 Uu Khilaaf Siyaasi Ah Abuurayo Ta Ugu Xumi, Waa Hadii Looga Jeedo In Doorashada Madaxtooyada Aanay Ku Qabsoomin Wakhtigeedii”Siyaasi cali Guray. “
December 17, 2021 - Written by admin
“Hadii Mar Kale Shirqool Lam.14 Uu Khilaaf Siyaasi Ah Abuurayo Ta Ugu Xumi, Waa Hadii Looga Jeedo In Doorashada Madaxtooyada Aanay Ku Qabsoomin Wakhtigeedii” Oo Muddo Kordhin Sharci Darro Ahna Mar Kale Xeerkan Loo Adeegsado” Siyaasi cali Guray.
“Madaxwaynuhu xeer meelmaray yacnii dhaqangalay ma soo celin karo haday tahay wadaadku been buu shaagayna odhan maayo balse waxan odhanayaa Madaxwaynuhu wuu soo celin karaa muddo xadidan ka dib. Golihii tegay ayaa maalmihiisii ugu dambeeyay ama ha u kasaan ama yaanay u kasin eh waxkabedel ku sameeyay mudada u hadhsanayd markaa way yarayd. Galdaloolooyinka ku jiray markii uu arkay garyaqaanada xukuunadda ayuu u dhiibay oo ka soo taliyay si la isu waafajiyo doorashooyinka, Guurtida oo 31ka May in la qabto ay tahay, in kasta oo sharcigii lagu dooran lahaaba aanu ilaa maanta jirin, furista ururada oo marka la raaco xeerkan ay tahay in la furo 22ka June oo ah 6 bilood ka hor taariikhda dhicitaanka shahaadadaha sadexdan xisbi iyo ururada buuxiya shuruudaha ururnimada oo la tartami doona sadexdan xisbi. Waxa kale oo iyaduna jirta doorashadii Madaxtooyada oo iyada aanu khusaynin xeer 14 oo aanu dibna uga dhigi karin horena u uga dhigi Karin 13 November. Markaa Madaxwaynuhu waa sax in uu soo celiyo xeerkan sabaha uu ku soo celiyayna waa sax marka dan ummadeed laga talinayo markase muraad kale la leeyahay waa si kale. Markaa guddida uu gudoomiyuhu u saaray ee labada dhinac xal lagu heshiin karo ma laga filayaa? Anigu u malayn maayo waayo daacad lagama wada aha, gaar ahaan xildhibaanada u badan dhinaca taageersan Madaxwaynaha ee hadana ka soo horjeeda taladii saxa ahayd ee Madaxwaynuhu ku dalbaday iswaafajinta iyo sixitaanka qaladada ku jira?