“Ruwanda Inaga Dal Yar, Inaga Dad Yar, Inaga Dhaqaale Yar, Inaga Jaanis Yar, Xataa Bad Lahayn Ayaa Inagana Caqli Badna Laakiin Waxeennu Waxay Ku Lumeen Khilaaf”Madaxweyne Muuse Biixi
December 24, 2021 - Written by admin
“Ruwanda innaga dal yar, innaga dad yar, innaga dhaqaale yar, innaga jaanis yar, xataa bad ma laha innagana caqli badna, laakiin waxeennu waxay ku lumeen khilaaf aan la garanayn, oo khilaafkaas cirka la geeyo, dab-demis ayeynu ku jirnaa uun. Doorashooyin ayeynu galnaa oo ugu buuq badan dalka dhaqaalihiisuna wuxuu ku lumaa doorasho, wakhtigeeda iyo xanafteeda.
Waa mar ololaheeda lagu wareersan yahay iyo mar natiijadeeda ka soo baxa la isku khilaafayo oo la bogsiinayo. Waynu ka fikiri kara lahayn sidee ayeynu u ururinaa doorashooyinkeeda, oo isula helnaa. Waxaynu dad dhinac xun uun wax ka eegaya insha allaah taasina waa laga waantoobi doonaa, oo ha laga baxo buuqan bilaa micnaha ah ee maalin kasta taagan.”