Khilaaf Ka Dhex Qarxay Golaha Deeganka Burco Iyo Maayir Cabdirisaaq Hero Oo Musuq Lagu Eedeeyey”Daawo Muuqaal
December 25, 2021 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Kalfadhigii golaha deegaanka Burco oo saaka lagu Kala kacay iyo xildhibaano warbaahinta la hadlay.
Xildhibaanada oo sheegay inay 7 ka mid ah ka soo baxeen kalfadhiga golaha deegaanka ayaa qodobo culus ku eedeeyey maayirka Magaalada Burco , Qodobadaas oo ay ka mid ahaayeen
1. Xeer jabin
2. Awood maroorsi
3. Ku tagri fal hantiyeed.
4. Maayir ku xigeenka oo awoodihiisii iyo saxeexyadiisii la joojiyey.
5. Lacago sharci darro ah oo maayirku dayn u qaatay iyo qodobo kale .
Xildhibaanada ayaa sheegay inay dacwadan hor gaynayaa Badhasaabka , Maxkamadda iyo wasaaradda arrimaha gudaha.