DP World Oo Korodhisay Tacriifadda Alaabooyinka Dekedda Berbera Kasoo Degaya,Wakhtiga Ay Dhaqan-galayso Iyo Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay
December 27, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Toddobaadka dambe waxa la filayaa in ay dhaqan gasho korodhka tacriifadda cashuuraha Dekedda Berbera ee Koontiinarrada ee ay dhawaan kordhisay shirkadda Dekedda Berbera gacanya ku haysa ee DP-World taasi oo dhawaan sheegtay in ay kordhisay tacriifadda Koontiinarrada Dekedda Berbara taasi oo la filayo in ay sii kordhiso maciishadda marka horeba cirka maraysay ee ay shacabka Somaliland la daalaa dhacayeen.
